Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay gobolada qaar

Published

on

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay digniin ku wajahan qaar ka mid ah Gobolada dalka gaar ahaan Hiiraan,Baay,Bakool,Gedo iyo labada Jubba cabsi laga qabo inay ku dhuftaan Fatahaado ay sameeyaan Wabiyada Jubba iyo Shabeele iyo sidoo kale daadad ku soo rogmada Magaalooyinka sidaas awgeed dowladda waxay digniin siisay qoysaska Soomaaliyeed ee degan Goboladaasi in feejignaan muujiyaan xili walba.

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin waxaa ay kasoo saartay inay ka dhici karaan fatahaado iyo daadad deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in arimahan ay ku ogaadeen cilmiga Saadaasha Roobabka,cabsina ay ka qabaan in arimahaas ay dhici karaan labada maalin ee soo socota macquulna tahay inay da’aan roobab xooggan oo dabaylo wata ku waasoo keeni kara daadad iyo fatahaado horleh.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda maareynta iyo Musiibooyinka Soomaaliya ayaa walaaca arimahaasi ka qabto inay dhacaan waxay sheegtay in Roobab xoogan ay ka da’een dhulka Itoobiya oo leh Buuro dhaaree soona roga biyo xoogan in Wabiyada Jubba iyo Shabeele ay sameeyaan Fatahaad hor leh oo uga sii darta xaalada hadda ka taagan gobolada qaar ee Soomaaliya siiba gobolka Hiiraan.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka digniinta ah ee Wasaaradda ka soo baxay.

Trending

Exit mobile version