Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo ka baaraan degaysa Khaadka ka yimaada Kenya

Published

on

Warar si hoose uu uhelay Wargayska Tusmotimes ayaa aheegaya in Dowladda federaalka Soomaaliya ay qorshaynayao sidii ujoojin lahayd khaadka ugu yimaada dalka Kenya iyadoo haatanba uu socodo abaabulka loogu jiro arinkaasi.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee khaadka kala yimaada dalka Kenya iyo wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa hadda ku howlan sidii go,aan rasmi ah looga qaadan lahaa joojinta Khadka Miirowga ah ee Kenya Soomaaliya ugu yimaada.

Bedelka khaadka Kenya ka yimaada Soomaaliya ayaa waxaan xogtan ku maqalanay in Itoobiya ka imaandoono ka dib markii Ganacsatada khaadka Itoobiya iyo kuwa Soomaalida heshiis ay wada gaareen uubdhacay iyo sidoo kale wasaaradda ganacsiga Soomaaliya iyo weliba wasaarada maaliyadda howshaasna la,isla gaaray sida aan warkan ku helnay.

Arintan ayaa waxaan maqalnay in looga danleeyahay xad gudubka joogtada ah ee Kenya ay ku hayso hawada iyo beriga Soomaaliya mid jawaab looga dhigayo iyadoo dowladda Kenya talaabadan ku noqon doonto dhabar jabweyn iyo hoos udhac dhaqaale haddii ay suurowdo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowrjeer hamisay inay joojiso Khaadka Kenya balse fashil soo wajahay hirgelinta arintaas balse hadda waxaa la sheegayaa in go,aankan kii hore ka culus yahay.

Kenya ayaa dhaqaalaheeda ugu xoogan wuxuu ka soo galaa ganacsiga khaadka Soomaaliya ay usoo dhoofiso iyadoo maalaayiin doolarna ka faa,iido maalin walba.

Trending

Exit mobile version