Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay eedii loo jeediyay Qatar
Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay Warbixintii maanta uu daabacay Wargayska New York Times ee ku saabsanayd in Dowladda Qatar ay ka dambaysay in Bambaanooyin lagu weeraro shirkadda DP-WORLD ee imaaraadka carabta ee ka howlgalaysa deegaanada Puntland gaar ahaan degmada Boosaaso ayaa war ka soo baxay Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa jawaab laga bixiyay warkaas […]
Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay Warbixintii maanta uu daabacay Wargayska New York Times ee ku saabsanayd in Dowladda Qatar ay ka dambaysay in Bambaanooyin lagu weeraro shirkadda DP-WORLD ee imaaraadka carabta ee ka howlgalaysa deegaanada Puntland gaar ahaan degmada Boosaaso ayaa war ka soo baxay Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa jawaab laga bixiyay warkaas soo yeeray.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in arinkan ay kala hadleen dowladda Qatar ka dibna ay usheegeen in warkaas uu yahay mid maran habaabin ah oo waxba ka jirin.
Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu sheegay inuu u yimid safiirka Qatar ee Soomaaliya islamarkaana Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaaddii uu arrintan ka bixiyey.
“Dowlada Qatar waxay soo saartay War-saxaafadeed ay ku cadeyneyso inaysan ku sifoobin waxa uu qoray wargeyska New York Times safiirkooda Muqdisho ayaa inoo yimid sharaxaad badan ka dibna waan ku qanacnay”ayuu yiri Wasiir Axmed CiiseCawad.
Wargayska The New York Times ee ka soo baxa dalkan Maraykanka ayaa maanta daabacay maqaal xasaasi oo uu ku tilmaamay dalalka Khaliijka gaar ahaan Imaaraatka iyo Qatar inay si weyn ugu loolamayaan siyaasadda Soomaaliya.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsade ku dhow amiirka Qatar uu sheegay in qarax ka dhacay magaalada Boosaaso la fuliyey si sare loogu qaado danaha Qatar qaraxaasoo looga dan lahaa in Imaaraadka uu dekeda Boosaaso ka cararo sida uu daabacay Wargayska New York Times.
Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxjira loolan ku saabsan arimaha Soomaaliya ka dib markii uu xumaaday xiriirka labada wadan ka dibna meesha ay soo gashay Qatar.