Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qaraxii Muqdisho

Qaraxii caawa ka dhacay School buluusiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya war ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in Gaariga qaraxay ay eriyanayeen Ciidamada amaanka ka dibna uu qaraxay. Qaraxaas ayaa Wasaaradda waxay ku sheegtay in 4 qof oo rayidka ah ay […]

Published

on

Qaraxii caawa ka dhacay School buluusiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya war ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in Gaariga qaraxay ay eriyanayeen Ciidamada amaanka ka dibna uu qaraxay.

Qaraxaas ayaa Wasaaradda waxay ku sheegtay in 4 qof oo rayidka ah ay ku dhaawacmeen wax dhimasho ahna aaney sababin qaraxaas.

Warkii Wasaaradda ayaa sidan u qornaa.

“Nasiib-darro, 4 qof oo kamid ah dadka shacabka ah ayaa ku dhaawacmay intii uu baacsiga socday. Gaariga ay ku jireen dadka shacabka ah ayaa iska dhagatiray dhowr digniin oo ay ciidamadu ku siiyeen inuu istaago, balse uu dhanka ciidamada u soo dhaqaaqay”

Dadbadan ayaa caawa isla dhexmarayay baraha bulshada sida uu ku soo gudbay Qaraxan wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version