Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo ka hadlin geeridii Mursi iyo Safiirkii hore shiinaha oo Tacsi diray

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ilaa hadda soo hadal qaadin kana Tacsiyadeynin geeridii deg dega ahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Masar Dr.Maxamed Mursi oo shalay Maxkamadda ku taala Caasimadda Masar ee Qaahira gudaheeda ku geeriyooday xili la soo taagay Maxkamad. Marxuumka ayaa dhulka ku dhacay xili uu ka soo muuqday Maxkamadda Qaahira […]

Published

on

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ilaa hadda soo hadal qaadin kana Tacsiyadeynin geeridii deg dega ahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Masar Dr.Maxamed Mursi oo shalay Maxkamadda ku taala Caasimadda Masar ee Qaahira gudaheeda ku geeriyooday xili la soo taagay Maxkamad.

Marxuumka ayaa dhulka ku dhacay xili uu ka soo muuqday Maxkamadda Qaahira ku taala iyadoo su,aalo la waydiinayay waxaana dhacday in Dr.Maxamed Mursi sidaas nafta uga baxday ka dib markii mudoo dheer uu maxbuus ahaa.

Dr.Maxamed Mursi allaha unaxariistee xilka Madaxweyne ee dalka Masar ayaa waxaa si dimuquraadi ah loogu doortay dalka Masar sanadkii 2012-kii ka dib kacdoonkii shacabka Masar sanadkii 2011-kii xilkana looga tuuray Xusni Mubaarak Madaxweynihii dalka Masar xukumayay muddo 30 sanadood ah.

Sanad ka dib 2013-kii Dr.Maxamed Mursi ayaa  waxaa afgambiyay Cabdulfataax Al-sisi oo xiligaas ahaa Taliyaha guud ee Ciidanka Masar haddana ah Madaxweynaha dalkaas Masar.

Maxamed Mursi ayaa waxaa dambi ku soo oogay oo xabsigana dhigay Cabdulfataax Al-sisi Madaxweynaha hadda talada dalka Masar haya iyadoo 7 sano xabsiga ku qaatay Maxamed Mursi

Haddaba maadaama Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya aysan ka hadlin kana aamustay geeradaas xanuunka leh ee Maxamed Mursi asagoo maxbuus ah geeriyooday ayaa waxaa dhambaal Tacsi ah shacabka dalka Masar agaar ahaan ehelada Dr.Maxamed Mursi udiray diblumaasiga rugcadaaga ah ee Ambassador-kii hore ee Soomaaliya Dalka China Ambassador Maxamed Cawil.

 

Ambassador Maxamed Cawil ayaa ehelada iyo qaraabada Dr Maxamed Mursi ugu duceeyay in ilaahay ka siiyo samir iyo iimaan Marxuumkana wuxuu Alle ugu baryay in Janatul fardowso ka waraabiyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadweynaha Masar iyo qoyska Dr. Maxamed Mursi iyo sidoo kale asxaabtii Dr.Maxamed Mursi waxaan leeyahay in ilaahay qalbiga uqaboojiyo marxuumkana Janada ugu bishaareeyo innaalilaah wa innaa ileehi raajicuun”ayuu yiri Ambassador kii hore Soomaaliya ee dalka China Ambassador Maxamed Cawil.

Dunida islaamka iyo kuwa reer galbeedka ayaa siweyn ucambaareeyay Madaxda Masar ka dib geerida Dr.Maxamed Mursi iyadoo qaarkood soo jeediyay in meydka marxuumka baaris lagu sameeyo si loo hubiyo in Sunlasiiyay iyo inkale.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recap Tayyip Erdogan oo ka hadlay geerida Maxamed Mursi ayaa waxaa uu ku tilmaamay in Dr.Maxamed Mursi uu yahay Shahiid ahlujano ah.

Dr.Maxamed Mursi Madaxweynihii hore ee dalka Masar ayaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaala Qaahira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version