Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay qodobadii ka soo baxay shirkii Addis Ababa
Ka dib shirkii talaadadii ku soo idlaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya ee looga hadlayey arrimaha Qaxootiga iyo dagaalada ee ka jira wadamada qaar ee Africa oo uu ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidoo kale Shirkaas ay lahaayeen Madaxweyniyaasha wadamada Africa ee ku midaysan ururka Midowga Africa ayaa waxaa […]
Ka dib shirkii talaadadii ku soo idlaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya ee looga hadlayey arrimaha Qaxootiga iyo dagaalada ee ka jira wadamada qaar ee Africa oo uu ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidoo kale Shirkaas ay lahaayeen Madaxweyniyaasha wadamada Africa ee ku midaysan ururka Midowga Africa ayaa waxaa Shirkaas qayb ka mid ah looga hadlay arrimaha Ciidamada Midowga Africa ee jooga Soomaaliya ee Amisom iyo xaalada Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa Madaxda Midowga Africa shirkooda ku amaaneen dadaalada iyo horumarka ay samaysay labadii sano ee Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka araminayso dalka ee dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Farmaajo waxayna madasha shirka ay ka sheegeen Madaxda Midowga Africa in ay soo dhaweynayaan horumarkaas iyo dadaalka ay ka wadaan Soomaaliya Madaxda federaalka ee Soomaaliya.
Haddaba Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ayaa soo saartay War-Saxaafadeed ay kaga jawaabayaan Amaanta Madaxda urur Goboleedka Midowga Africa ee Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya loo jeediyey.
Muqdisho Villa Soomaaliya 13-2-2019ka War-Saxaafadeed
1-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika kaas oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasoo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya maadaama ay hortaagan tahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.
2-Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika wuxuu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika.
3-Midowga Afrika wuxuu muhiimad siinayaa dowrka Soomaaliya iyo wax wada qabsiga,taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen,ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaas waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga.
4-Intaas waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan ee ka dhacay Magaalada Addis Ababa kaasoo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan Soomaaliya kuwaasoo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga iyo arrimaha bani’aadanimo iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda Africa”ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Villa Soomaaliya.