Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay Talaabada Kenya
Ka dib markii shalay dowladda Kenya ay hakisay duulimaadkii tooska ahaa ee diyaaradda Kenya Airway ee Aadan cadde iyo Jomo Kenyatta loona wareejiyey Garoonka Wajeer ayaa talaabadaas waxaa ka hadlay wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar. Wasiir oomaar oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa wuxuu sheegay inay ogyihiin ogaanka Kenya […]
Ka dib markii shalay dowladda Kenya ay hakisay duulimaadkii tooska ahaa ee diyaaradda Kenya Airway ee Aadan cadde iyo Jomo Kenyatta loona wareejiyey Garoonka Wajeer ayaa talaabadaas waxaa ka hadlay wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar.
Wasiir oomaar oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa wuxuu sheegay inay ogyihiin ogaanka Kenya ka soo baxay ee ay ku haykisay Duulimaadkii Muqdusho iyo Nairobi balsae aysan ogan ujeedka ka dambeeya ee Kenya ay ka leedahay heshiiskaas inay ka baxdo.
Maxmed Cabdulaahi Salaad oomaar ayaa intaas raaciyey hadalkiisa inay baaritaan dheer ay ku hayaan wuxuu salka ku hayo go,aanka Kenya ay ku hakisay duulaamaadkii Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta ka dibna ay ka soonsaari doonaan go,aan cad oo leeleexad lahayn maalmaha dhaw.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa hadaljan wuxuu siiyey Television Qaran ee SNTV ee Magaalada Muqdisho.