Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday war naxdin ku abeeray Kenya
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday inysan ogolaanayn dalabka Kenya ee ku saabsan in markale dib loo dhigo dhageysiga Kiiska Badda ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee loo balansan yahay 4 November ee 2019-ka in la dhageysto Kiiskaas ka dib markii Kenya markale maxkamadda Cadaaladda aduunka ee ICJ ugudbisay in marlabaad dib loogu dhigo arimo haysta awgeed.
Dowladda Kenya ayaa niyadjab iyo walaac xooggan ku abuuray go’aankan ay qaadatay Soomaaliya iyadoo Maxkamaddana ka aamustay dalabkii Kenya ee marlabaad ku doonaysay in dacwada marlabaad dib loogu dhigo.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ku sugan magaalada Hague ee dalka Holand ayaa sheegay in aysan marnaba ogolayn in 4ta November dib looga dhigo kiiska Dacwada badda ee Maxkamadxa ICJ taala.
Waxa uu shaaciyay Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya in ay aaminsan yihiin maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya kana soo horjeedaan in mar kale dib loo dhigo si arintan udaba dheeraan.
“Kenya waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa anagu go’aankeenu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4 bisha November kiiska maxkamada ayuu ku jiraa iyagaana ka war sugeynaa”ayuu yiri Mahdi Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka soomaaliya.
Dowlada Soomaaliya ayaa u gudbisay Maxkamada caalamiga ee ICJ qoraal ay ku diidan tahay in mudo dheeraad ah lagu daro waqtiga loo balamay dhageysiga kiiska dacwada badda ,halka dowlada Kenya codsatay in mudo sanad ah dib loo dhigo dhageysida dacwada
Maxkamada caalamiga ee ICJ ayaa maanta dhageesatay doodaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan mudeynta dhageysiga dacwada badda, waxaana Maxkamada laga sugayaa in go’aan kama dambeys ah ka gaarto xiliga la dhageesanayo dacwada.