Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo ku hungowday helida xil ay ka rabtay IGAD
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer waxay ku bixiyeen sidii Soomaaliya uheli lahayd qabashada xilka Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD balse lagaga guulaystay hanashada Xilkaas.
Xilkan oo ay usharaxnaayeen Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Soomaaliya looga adkaaday helida xilka xoghayaha IGAD ka dib markii Itoobiya oo xilkan horay uhaysay iyo Kenya oo xilka Gudoomiyaha haysay xilalka ay isku wareejiyeen waxaana hadda xilka xoghayaha IGAD loo doortay wasiirkii hore ee arimaha dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gabeyehu wuxuuna hadda sirasmi ah ula wareegay xilka Xogheyaha fulinta IGAD ka dib markii dhawaan u magacaabay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo xilkan qabashadiisa loolan adag ugalay ayaa waxay u sharaxeen wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Dr.Cabdisalaan Hadliye Cumar balse wey ku hungoobeen helida xilkaas.
Shir dhawaan ay ku yeesheen madaxda Urur Goboleedka IGAD magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu shaaciyay in Soomaaliya ay u tanaasushay Itoobiya balse Jabuuti ay diiday taasoo keentay in markii dambe Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu safar deg deg ah ku tago dalka Jabuuti si uu u qanciyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyadoo ugu dambeyntii la,isku afgartay in itoobiya loo daayo.
Xogheyaha fulinta IGAD ayaa waxaa horay u ahaa Maxbuub Macalin waxaana haatan uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Xoghayaha Cusub ee Fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in xilka Gudoomiyaha IGAD uu kala wareegi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka dib shir madaxeedka IGAD oo dhawaan ka dhici doona Magaalada xeebta Mombasa ee dalka Kenya.