Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo Safiir umagacawaday wasiir ku xigeen Soomaaliland ah

Kulankii khamiislaha ee maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxay ku ansixiyeen 5 Safiir oo uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenkii hore ee Caafimaadka Maamulka Soomaaliland Xasan Daahir Dhimbil. Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa Xasan Daahir Dhimbil udalacsiiyay darajada Safiirnimo ee Soomaaliya asaga iyo 4 kale oo aqoonyahano Soomaaliyeed ah. Wasiir […]

Published

on

Kulankii khamiislaha ee maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxay ku ansixiyeen 5 Safiir oo uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenkii hore ee Caafimaadka Maamulka Soomaaliland Xasan Daahir Dhimbil.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa Xasan Daahir Dhimbil udalacsiiyay darajada Safiirnimo ee Soomaaliya asaga iyo 4 kale oo aqoonyahano Soomaaliyeed ah.

Wasiir ku xegeenkaan hore ee Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Soomaaliland ee hadda loo dalacsiiyay darajada heer Safiirnimo ayaa wuxuu ka mid ahaa dhowr wasiir ku xigeen oo bilowgii sanadkan ka soo goostay Maamulka Soomaaliland ka dibna ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mas,uuliyiintaas ka soo goostay Maamulka Soomaaliland ayaa ka soo wareegay dhinaca Kenya markii ay soo aadayeen Magaalada Muqdisho ka dibna soo dhawayn wanaagsan kala kulmay Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo la dejiyay Hoteel amaankiisa aad loo waardiyeeyo ee ku yaala Magaalada Muqdisho.

Xasan Daahir Dhimbil ayaa dhor jagooyin kala duwan ah ka soo qabtay Maamulka Soomaaliland iyadoo mar dalka Itoobiya Magaalada Addis Ababa ufadhiyay Maamulka Soomaaliland sidoo kale agaasime ka soo noqday Madaxtooyada Maamulkaas

Safiir Xasan Daahir Dhimbil ayaa sidoo kale xubin fir-fircoon ka ahaa Xisbiga Kulmiye ee talada Maamulka Soomaaliland haya.

Xasan Daahir Dhimbil ee hadda dowladda Soomaaliya umagacawday Safiir ayaa Xubnihii kale ee ay iskala soo goosteen Maamulka Soomaaliland waxaa xog si hoose uu uhelay Wargayska Tusmotimes uu sheegayaa in iyana la qorshaynayo in loo magacaabi doono xilal muhiim ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version