Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo seddax safaaradood dhul u iibinaysa

Published

on

War ka yimid dhinaca Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda Soomaaliya ay ku howlan yihiin sidii dhul ugu iibin lahaayeen seddax Safaaradood oo Soomaaliya ay ku kala leedahay wadamada caalamla qaarkood ka dib baahi arintaas loo qabo oo soo baxday sida ay sheegayso xogtan la helay.

Safaaradahan Soomaaliya ee dhulka loo iibinayo ayaa waxay ku kala yaalaan wadamada Maraykanla,Koonfur Africa iyo Kenya waxaana la sheegayaa in howshan dardarteeda ay socoto sidii loo dhamayn lahaa.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan ducaale Bayleh oo wax laga waydiiyay jiritaanka arinkaas ayaa xaqiijiyay balse wuxuu ka gaabsaday inuu faafaahin kabixiyo inta qarash ee loo qoondeeyay beecinta dhulalka seddaxdaas Safaardood ee dhulka loo iibinayo.

Dhinacakake xog la helay ayaa sheegaysa in qorshagan shirkii shalay ee Golaha wasiirada soomaaliya ee intabadan looga hadlayay Miisaaniyadda 2019 iyo 2018 ajandaha lagu daray iyadoo Miisaanadiyadaas shalay lacago farabadan lagu ansixiyay waxaana ka mid ahaa tiradaas lacagtaas 390.1 milyan oo Doollar markii loo badalo Shilin Soomaali waxay noqonaysaa 226,258,000,000.

Trending

Exit mobile version