Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dib uhabaynta dhismaha Ururka IGAD

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD kana dhacay magaalada Addis Ababa ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen madaxdii ka qayb gashay shirkaasi Addis Ababa ka dhacay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u eegid lagu sameeyey qaab-dhismeedka Urur goboleedka IGAAD ayaa wuxuu mar kasta u olaleynaysay in IGAD ay noqoto madal ka soo dhalaasha himillada ay ku qabaan shucuubta Gobolku geeska Africa ku dhaqan sidoo kalana ka tarjunta dhammaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dowladaha ku mideysan Ururkan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa wuxuu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalah Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa wuxuu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD ee loo doortay Workneh Gebeyehu wasiirkii hore arimaha dibadda ee dalka Ethiopia wuxuu adkeeyay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub ee IGAD si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee Ururkan iyo arimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay kaalin mug leh ka qaadatay aas-aaskii Urur Goboleedka IGAD iyadoo haatanna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u taagan yihiin gudashada doorkooda iyo wax la qabsiga dalalka kale ee qaybta ka ah Urur goboleedka IGAD.

Trending

Exit mobile version