Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo soo saartay tallaabo ka dhan ah Kenya
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go,aan ku saabsan tallaabooyinkii indhowaale sida isdaba jooga ahaa ee ay usoo saaray dowladda Kenya. Ka dib markii dowladda Kenya ay qaaday tallaabooyin is dabjoog ah kuna saab sanaa xayiraadii ay ku soo rogtay Dublamaasiyiinta Soomaaliya iyo duulimaadkii Jomo Kenyatta iyo Aadan Cadde ee loo wareejiyey Wajeer […]
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go,aan ku saabsan tallaabooyinkii indhowaale sida isdaba jooga ahaa ee ay usoo saaray dowladda Kenya.
Ka dib markii dowladda Kenya ay qaaday tallaabooyin is dabjoog ah kuna saab sanaa xayiraadii ay ku soo rogtay Dublamaasiyiinta Soomaaliya iyo duulimaadkii Jomo Kenyatta iyo Aadan Cadde ee loo wareejiyey Wajeer ayaa hadda waxaa Dowladda Soomaaliya ka soo baxay go,aan looga jawaabayo go,aanadii Kenya gaartay.
Golaha wasiirada Soomaaliya kulankoodii Khamiislaha ahaa ee maanta ay ku yeesheen Magaalads Muqdisho ayaa waxaa lagu jeexjeexay arimaha Kenya iyadoo ugu dambayntii go,aan rasmi ah lagu gaaray Shirkaas.
Tallaabada ay qaadeen Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah in Dalka Kenya la joojiyo wax allaale wixii safar ah ee loo aadi jiray sidoo kale laga wareejiyo wixii shirar iyo siminaaro ah ee looga hadli jiray arimaha Soomaaliya ee lagu qabanjiray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Go,aanka cusub ee maanta ka soo baxay Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa lagu go,aamiyey shirarkii lagu qaban jiray Nairobi ee looga hadlayey arimaha Soomaaliya in hadda loo wareejiyey Magaalooyinka Kampala, Kigali iyo Addis Ababa waxaana go’aankaasi uu yahay mid hadduu dhaqan galo saameyntiisa yeelan kara.
Xogtan oo aan ka helnay dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegeysa in go’aankaasi ay isku raaceen golaha wasiirada xukuumadda Soomaalya kadib kulankii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana wasaarad walbaa lagu wargaliyey inay amarkaasi ku wargeliyaan hay’adaha ay bah wadaagta yihiin.
Seddexdaasi magaalo ayaa loo sheegay wasiirada inay ku wargeliyaan hay’adaha ay la shaqeeyaan inay u wareegaan oo ay ka wareegtaan magaalada Nairobi oo saldhig u ah hay’ado badan oo arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya.
Midowga Yurub ayaa ka carooday tallaabada dowladda Kenya ku xanibtay xubno ka socday dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gali lahaa shir ka dhacayay magaalada Nairobi waxaana la ogeyn saameynta go’aanka cusub ee dowladda Soomaaliya gaartay uu yeelan doono.
Siyaasiyiinta rogroga arimaha noocaan ah ayaa aragti dooda ku cabiray in tani Soomaaliya u hor seedayso in guul ay ka gaarto arimaha dacwada Badda ee Kenya kala dhaxeeya iyadoo war dhinaca Maxkamadda Caalamiga ee Aduunka xan ahaan looga helay ay sheegayo inay ubadantahay in guusha ay siiso Soomaaliya.