Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay War xasaasi ah(Akhriso)

War-Saxaafadeed xasaasi ah oo caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa digniin loogu diray qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaarkood xilal sare ka haya Maamul Goboleedyada,kuwii horay xilal usoo qabtay iyo kuwa kale ee damaca siyaasiga ah leh inay ka fogaadaan ficilada aan wanaagsanayn iyo garabsiinta cawadowga ee qadiyadaha lama […]

Published

on

War-Saxaafadeed xasaasi ah oo caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa digniin loogu diray qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaarkood xilal sare ka haya Maamul Goboleedyada,kuwii horay xilal usoo qabtay iyo kuwa kale ee damaca siyaasiga ah leh inay ka fogaadaan ficilada aan wanaagsanayn iyo garabsiinta cawadowga ee qadiyadaha lama taabtaanka ah ee Qaranka sida xuduudaha bad iyo beriba leh.

“Dowladda Soomaaliya waxay usheegaysaa shacabaka Soomaaliyeed inay utaagan tahay godashada waajibaadka saaran iyo ilaalinta mansabka iyo midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed sidoo kale aan utaagan nahay ilaalinta qadiyadaha lama taabtaanka qaranka Soomaaliyeed sida bad iyo beriba”ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedkan caawa ay soo saartay Dowladda Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa Digniin loogu diray  dadka ka shaqeynaya Ficilada Dhaawaca ku ah Qaddiyadaha Lama taabtaanka ah ee Qaranka.

Dowladda Soomaaliya warkan ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in cid allaale cidii ka hari waysana in sharciga looga xishiin doonin sidoo kale dowladda ay wado baaritaan la xiriira arinkaas qofkii ku cadaatana sharciga uyaala dalka lamarsiin doono.

War-Saxaafadeedka laguma sheegin Magacyada mas,uuliyiinta sida tooska ah warkan uquseeyo balse hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili  Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu maalmo ka hor ku baaqay wada-hadal dhexmara Kenya iyo Soomaaliya si xal looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dal ee ka dhalatay badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso.

Bayaan ka soo baxay Xaaf oo uu baahiyey wargeyska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayaa Xaaf ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay halis ku yihiin xiriirka muddada soo jireenka ah ee Kenya iyo Soomaaliya ka dhexenjiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version