Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo War amar ah ka soo saartay ka shaqaynta iyo jiigitaanka Soomaaliya Xoghayaha QM ee arrimaha Soomaaliya

War Saxaafadeed goordhow ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha QM ee arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom in uu jabiyey xeerka shaqo iyo wada shaqeynta Xafiiska QM ee arrimaha Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Warkan caawa ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Nicholas […]

Published

on

War Saxaafadeed goordhow ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha QM ee arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom in uu jabiyey xeerka shaqo iyo wada shaqeynta Xafiiska QM ee arrimaha Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Warkan caawa ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Nicholas Haysom laga rabin dalka Soomaaliya iyo sidoo kale uusan ka shaqayn karin gabi,ahaanba ka dib markii sida lagu xusay War Saxaafadeedka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Haysom uu dhinac la saftay.

Wasaarada Arimaha Dibada qoraalka kasoo baxay ayaa lagu xusay in Nicholas Haysom uu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobey,si bareer ahna u farageliyay Madax bananida Dalka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa jawaab u ah qoraal uu shalay Nicholas Haysom uu ka soo saaray ka dibna uu udiray Wasaarada Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya in ay cadeyso Jawaab Deg Deg ahna ay ka bixiyaan Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay Magaalada Baydhabo intii lagu gudajiray 13 iyo14kii bishii hore ee December sanadkii dhamaaday ee 2018kii ee ka dhashay Doorashadii Maamulka Koonfur Galbeed.

Hoos ka Akhriso War Saxaafadeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version