Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Kulanka Abiy iyo Biixi(Akhriso)
Ka dib markii ay wada kulmeen Ra’iisul wasaaraha itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliland ayaa War goordhow ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu bogaadiyey Kulanka Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi War-saxaafeed Muqdisho:Feb 20, 2019 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya […]
Ka dib markii ay wada kulmeen Ra’iisul wasaaraha itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliland ayaa War goordhow ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu bogaadiyey Kulanka Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi
War-saxaafeed Muqdisho:Feb 20, 2019
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.
Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.
DHAMMAAD