Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed ka soo saartay arrinta Kenya(Akhriso)
Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah oo ku saabsan tallaabadii ay qaaday Dowladda kenya udirtay wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya. Qoraalkan oo umuuqday mid si aad ah looga ilaaliyay wax keeni kara sii kicin iyo wr xanaf leh ayaa waxaa uu ku saabsanaa in dowladda Soomaaliya ay ilaalinayso xiriirka walaal tanimada labada dal […]
Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah oo ku saabsan tallaabadii ay qaaday Dowladda kenya udirtay wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya.
Qoraalkan oo umuuqday mid si aad ah looga ilaaliyay wax keeni kara sii kicin iyo wr xanaf leh ayaa waxaa uu ku saabsanaa in dowladda Soomaaliya ay ilaalinayso xiriirka walaal tanimada labada dal ka dhaxeeya.
Hoos ka Akhriso.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah.
Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin.
Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya.