Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo warar kulul kasoo saartay weerarkii Muqdusho
Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa caawa waxay si kulul uga hadashay weerarkii maanta ka dhacay Baarka laga cunteeyo ee Royal kuna yaala agagaarka Hotel weheliye ee Magaalada Muqdisho ka dib markii kooxda Al shabaab ay ku weerareen Gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa. Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in khasaaro xoogleh uu ka soo gaaray […]
Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa caawa waxay si kulul uga hadashay weerarkii maanta ka dhacay Baarka laga cunteeyo ee Royal kuna yaala agagaarka Hotel weheliye ee Magaalada Muqdisho ka dib markii kooxda Al shabaab ay ku weerareen Gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in khasaaro xoogleh uu ka soo gaaray dadka marastay ah ee Siyaasadda ka madaxbanaan sidoo kale dhaawacyo uu kasoo gaaray isla shacabkan maatada ah.
Weerarka ayaa waxaa mas,uuliyadiisa sheegtay kooxda Al shabaab ka dib saacad markii ka soo wareegatay xiligii uu dhacay qaraxa waxaana ka hadlay Sarkaal kooxdaas u qaabilsan warbaahinta kaasoo lagu magacaabo Cabdicasiis Muscab wuxuuna ku sheegay laynta maatadaas in ay ahaayeen Askar iyo saraakiil dowladda ah sida uu warka u dhigay sarkaalkaas Al shabaabka ah.
Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa war kasoo saaray weerarka ayaa waxaa lagu sheegay in falkan iyo falal kale oo kasii horeeyey ee ay kula kaceen shacabka Soomaaliyeed sidaan looga aamusi doonin si dhaqso lehna looga jawaabi doono talaabooyinka kooxdaas ay qaadeen.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ku booriyey inay u midoobaan la dagaallanka argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka ee aan waxba galabsanin.
Ugu yaraan 11 qof oo badankood ahaa shacab ayaa ku geeriyooday weerarka Qaraxa Gaariga loo adeegsaday ee maanta ka dhacay Baar Royal ee Muqdisho waxaana dhaawaca dadka rayidka ah uu marayaa 16 qof sida aan ka soo xignay xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Muqdisho.
Dhinaca kale warar uu si hoose u helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in weerarkaas uu ku dhintay mid kamid ahaa xildhibaanadii baarlamankii hore inkastoo magaciisa weli aan la helin sidoo kale dadka ku dhaawacmay Qaraxan shaqsiyaadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed sida wararka ugu badan ay sheegayaan.