Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo warqad udirtay QM(Akhriso)
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war qoraal ah oo looga jawaabayo dacwadda Kenya ay u gudbisay Golaha amaanka ee QM isla markaana Kenya ugu dacwoonayso Soomaaliya QM in xaraasha Shidaalka Soomaaliya ay ku dartay qaybta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin. Qoralkan caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loo diray Golaha […]
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war qoraal ah oo looga jawaabayo dacwadda Kenya ay u gudbisay Golaha amaanka ee QM isla markaana Kenya ugu dacwoonayso Soomaaliya QM in xaraasha Shidaalka Soomaaliya ay ku dartay qaybta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin.
Qoralkan caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loo diray Golaha amaanka ee QM waxaana jawaab u yahay beenta ay faafinayso Kenya ee muranka badda ku saabsan.
Danjiraha Soomaaliya ufadhiya QM Abuukar Daahir Cismaan Abuukar Baale ayaa sheegay in dowladda Kenya ay deg degeyso iyadoo aaney wax hubsan iyagoo ka cabsi qaba kenyaanku in dacwada looga guuleysto.
Danjire Abuukar Daahir Cismaan ayaa intaas warkiisa ku daray in been iyo wax aan jirin ay tahay Warqadda Kenya ay hordhigtay QM ee Soomaaliya ugu dacwoonayso kuna sheegtay in Soomaaliya ay xaraashayso shidaalka qaybtii badda ee ay ku murunsanaayeena la raaciyey xaraashka.
Abuukar baale wuxuu cadeeyey in aan jirin wax Shidaal ah oo la xaraashayo kana mid ahayn soo bandhigida Soomaaliya Sahminta Shidaal qaybta ay isku haystaan iyaga iyo Kenya.
“dowladda Kenya mararbadan ayaan wax waliba ucadeynay haddana waa ugu celinaynaa wax xaraash Shidaal ah majiraan waa soo bandhigid sahmintii Shidaal ee Soomaaliya kana mid ma,ahan barnaamijkaas qaybta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku muransan yihiin sidaas ha, ogaadaano,QM waxaan u sheeganaa in Soomaaliya ka suuroobaynin waxa ay wado Kenya,wixii ku aadan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxay hortaalaa Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo go,aan ka gaari doonto arrintan.
Dowladda Soomaaliya waxay ku kal soontahay ICJ iyo go,aankeeda sidaas ha ogaato Kenya,waxaa kaloo Kenya usheegayaa intii iska dayso wal walka sida anagu nahay oo kale ha sugaano go,aanka kaasoo la gaari doono sanadka soo socda ee 2020″ayuu yiri Abuukar Daahir Cismaan Danjiraha Soomaaliya ufadhiya QM.
Warqaddan jawaabta u,ah tii Kenya gudbisay QM ayaa waxaa la diray ka hor heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsanaa in la dhameeyey khilaafkii labada dowladood islamarkaana la xoojiyo walaal tanimada,deres wanaaga iyo Soo celinta xiriirkii labada dal.