Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo xayiraadii ka qaaday Xoolo ku xanibnaa Jiddah

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo caawa shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa ayaa wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay in xayiraadii saarneed Markab siday 20,000 kun oo neef oo Ari ah ku xayirnaa Magaalada Jiddah ee dalka Sucudiga ka dib markii ay la hadleen Boqortooyada Sucudiga. Mahdi Maxamed […]

Published

on

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo caawa shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa ayaa wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay in xayiraadii saarneed Markab siday 20,000 kun oo neef oo Ari ah ku xayirnaa Magaalada Jiddah ee dalka Sucudiga ka dib markii ay la hadleen Boqortooyada Sucudiga.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay iyadoo loo turayo shacabka ku nool Gobolada waqooyi awgeed dadaal dheer ay ku bixiyeen Markab 11 bishan ka shareecday Dekadda Berbera 20,000 Kun oo Ari ahna ka qaaday muddo isbuuc ah ku xanibnaa Dekadda Magaalada Jiddah sababo la xiriira shahaadada Caafimaadka Xoolahaas iyo Ganacsatada iska leh Xoolaha oo haysan ruqsada wasaarada Caafimaadka ee Soomaaliya awgeed loo xanibay.

Wasaaradda Caafimaadka Sucudiga ayaa shuruud ugu dhigtay Ganacsatada Xoolaha ee Maamulka Soomaaliland in warqada ruqsada ah ee Caafimaadka Xoolaha ay kala yimaadaan dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo Ganacsatadaas ay ka dhega adeegaan amarka Sucudiga sidaa awgeed loo xanibay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wuxuu sheegay in dadaal dheer ugashay dowladda Soomaaliya sidii loo badbaadin lahaa hantidaas Soomaaliyeed ka dibna ay ku guulaysteen in Xoolaha laga dejiyo Markabka ka dibna sida qorshuhu uu ahaa laga iibsado Ganacsatada Xoolha.

Dhimaca kale warar ayaa sheegaya in Markab kale oo Xoolo sida asna ku xanniban yahay dalka Cuman ka dib markii Xoolahaas uu ka qaaday Dekadda Berbera ee maamulka Soomaaliland iyadoo Mahdi Maxamed Guuleed shirkiisii Jaraa,id ku soo hadal qaadin.

 

“Waxaan ku guuleysannay in xayiraadda laga qaado markabka xoolaha ka qaaday Dekadda Bebera ee ku xayirnaa Dekadda Jidda ee dalka Sucuudi Carabiya anagoo eegayna dadnimada iyo bini,aadanimada waxaan ku dadaalnay sidii loo badbaadin lahaa hantidaas Soomaaliyeed ee Xoolaha nool ah ee Markabka dushiisa saaran”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Tallaabadan ay qaaday Xukuumadda Soomaaliya ee xayiraad ka qaadista Xoolaha ah ayaa waxay imaanaysaa ka dib markii maanta Odayaasha Guurtida Beelweynta Direed ee ka kooban Gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi baaq deg deg ah ay udireen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha uguna baaqay in si deg deg ah xayiraada loogu qaado Ganacsatada Xoolahooda lagu xanibay Magaalada Jiddah ee dalka Sucudiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version