Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo xil u magacawday wiil uu dhalay Marxuum ENG Yariisow

Published

on

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay xil umagacawday mid ka mid ah Wiilasha uu dhalay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow.

Wiilka ugu weyn ilmaha uu dhalay marxuum Yariisow oo lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxay umagacawday Xoghayaha koowaad Ergada Soomaaliya ee Qaramada midoobay.

Warqad ka soo baxday wasiirka arimaha dibadda ee Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa lagu magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow inuu yahay Xoghayaha koowaad Ergada Soomaaliya ee New York.

Trending

Exit mobile version