Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo xirtay sirdoon imaaraadka ah
Sida maanta uu baahiyey Wargayska Middle East Monitor ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xirtay shibakad sirdoon imaaraadka carabta ah oo xogo siinjiray Imaaraadka iyagoo muddo ku sugnaa Magaalada Muqdisho. Wargayska masheegin magaca iyo tirada la xiray iyo cida warkan ay ka soo xigteen magacyadooda balse waxaa uu sheegay Wargayska in xubno ka […]
Sida maanta uu baahiyey Wargayska Middle East Monitor ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xirtay shibakad sirdoon imaaraadka carabta ah oo xogo siinjiray Imaaraadka iyagoo muddo ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Wargayska masheegin magaca iyo tirada la xiray iyo cida warkan ay ka soo xigteen magacyadooda balse waxaa uu sheegay Wargayska in xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay la wadaageen xogtan sidaasna ay ku baahiyeen.
Wargayska Middle East Monitor ayaa wuxuu intaas ku daray xataa xubnaha warkan ay ka soo xigteen inay u,isticmaaleen barahooda Twitter-ka sidaasna ay ugu dhiiradeen inay baahiyaan warkan ku aadan in dowladda Soomaaliya ay xirtay shibakad Imaaraadka carabta ah oo xogo ubaahinayey.
Xiriirka dublamaasi ee Soomaaliya iyo imaaraadka ayaa xumaaday Bishii April sanadkii hore ee 2018kii ka dib markii Baarlamanka Soomaaliya qoraal la hor geeyey lagu eriyey Shirkadda DP WORLD ee imaaraadka Carabta iyo sidoo kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo lagu qabtay lacag dhan 9.6 Million oo dollar lacagtaasoo ka timad Dubai ka dibna ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya.
Xiligii lacagtaas lagu qabanayey Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa socday xi ka qaadistii Gudoomiyihii Baarlamanka ee Xiligaas Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyadoo loolan adag uu ka taagnaa Muqdisho ayeyna ku soo aaday lacagtaas.
Sida uu sheegay Wargayska Middle East Monitor wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhawaan sheegay in xiriirka imaaraadka carabta iyo dowladda Soomaaliya mugdi uu sii galayo sidii horena uu san ahayn ka dib waraysi uu siiyey Wakaaladda wararka ee Anadolu Agency ee ka soo baxda dalka Turkiga.
Markii aan aragnay warkan uu baahiyey wargayska Middle East Monitor ayaa waxaan xiriir la samaynay Xafiiyada hay,adaha Dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arimaha dibadda iyo tan arimaha gudaha waxayna inoo sheegeen xubnihii aan la hadalnay in warkaas waxba kala soconin dowladda Soomaaliya.