Wararka Soomaalida
Dowladda Talyaaniga oo Soomaaliya kala laabatay 6 Million oo Dollar
Dalka Talyaaniga ayaa dib ula noqdey dhaqaale gaaraya 6 Milyan oo dollar oo loogu talagaley in lagu dhiso biyo xireen laga hirgalin lahaa magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan sida maanta uu qoray Wargayska La Repubblica ee ka soo baxa dalka Talyaaniga.
Dowladda Talyaani ayaa sheegtey in muddo sannad ah ay ka warsugaysay in loo soo gudbiyo mashruuca nooca uu noqonayo iyadoo ka war sugaysay dowladda Soomaaliya markii jawaab ay ka waayeena dib ula laabateen lacagtaasi 6 Milyan ah.
Biyo Xireenka dowladda Talyaaniga ugu talagashay lacagtaas 6 Milyan ah ayaa haddii la hirgalin lahaa ka hortagi lahaa fataahado iyo masiibo ka dhacda Gobolka Hiiraan inkastoo la sheegay in dhismihiisu qaadan lahaa muddo laba sano ah,nasiib wanaag hadda lacagtaas dib u lalaabatay dowladda Talyaaniga.
Mashruucan ayaa waxaa iska kaa shan lahaa Wasaaradda beeraha Soomaaliya iyo hay’adda QM uqaabilsan Cunada iyo beeraha ee FOA laakiin madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka daaheen fulinta mashruucaas sida uu baahiyay Wargayska La Repubblica.
Heshiiska mashruuca lacagta 6 Million ee Dollar ayaa waxaa la sheegay in Soomaaliya iyo Talyaaniga uu dhaxmaray bishii Juun ee sanadkan iyadoo wasaaradda beeraha ee Soomaaliya iyo hay’adda Talyaabiga ee mashruucan fulin lahayd ee lagu magacaabo Italian COOPI iyo qaar ka mid ah NGO-yada ay kala saxiixdeen fulinta dhismaha Biyo xireenka buundada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Talaabadan ay qaaday dowladda Talyaaniga ee dib ula laabashada lacagtaas 6 Milyan ee Dollar ah ayaa noqonaysa dowladdii ugu horaysey oo mashruuc ay ka fulin lahayd Soomaaliya isfaham la,aan dhacay awgeed dib ulalaabato mashruucii ay ugu soo talagashay Soomaaliya.
Warkan uu daabacay Wargayska La Repubblicaa ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa wali waxaan ka hadlin dowladda federaalka Soomaaliya madaxdooda waxa ka run ah iyo waxa keenay in lacagtaas dowladda Talyaaniga dib uceshato.