Wararka Soomaalida

Dowladda Turkiga oo caalamka fartay in Soomaaliya la caawiyo

Published

on

Dowladda Turkiga ayaa wadamada Islaamka iyo kuwa reer galbeedkaba ugu baaqaday in Soomaaliya la garab istaago oo laga taageero dhinacyada amniga iyo Fatahaada Wabiyada Jubba iyo shabeele oo qoysas farabadan ka barakiciyay magaalooyinkii ay ku noolaayeen gaar ahaan qoysaska uu ku fatahay Wabiga shabeele magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka arimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ka qayb galay Shir ay iskuugu yimaadeen Wasiirada arimaha dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka QATAR loogna hadlayay arimaha Soomaaliya ka soo cusboonaaday ee Fatahaadyada ah ayaa wasiirku wuxuu sheegay in wadamada Islaamka looga baahan yahay in kaalin weyn ay ka geystaan caawinta shacabka Soomaaliyeed ee la daala dhacaya dhibaatada ay ugeysteen Fatahaadyada Wabiyada Jubba iyo shabeele haddii diinta Muslimka walaalo lagu yahay in dhaqso kaalin mug leh laga geysto xaalada cakiran ee Soomaaliya ka taagan sida uu jeediyay wasiir Mevlut Cavusoglu.

Mevlut Cavusoglu wasiirka arimaha dibadda Turkiga oo khudbad ka jeediyay shirkaas ay yeesheen Wasiirada arimaha dibadda wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay dalka QATAR gaar ahaan caasimada dalkaasi ee Dooxa ayaa dhinaca kale wadamada reer galbeedka wuxuu udiray fariin xambaarsan in Soomaaliya caawinteeda kaalin tooda ka qaataan.

“Bal wax kale ha inoo dambeeyaane malasocotaan walaalaheen Soomaaliya dhibaatada haysata haddii aad ogtihiin waaba la socotaan hadii ay jiraan kuwo aan ogayn xaalada ku soo korortay Soomaaliya waxaan idiin sheegayaa Soomaaliya Fatahaad ayaa ka dhacday dad ayaa dhintay malaayiin shacab ah ayaa ka barakacay guryahooda sidaas awgeed waa in aan meel iska dhignaa khilaafka dhexdeena ah oo aan qaadanaa mowqif mid ah si Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad iyo barwaaqo sidaas ayaan idin farayaa walaalahay shirkan fadhiya,beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa haddii aan nahay Turkiga inaysan indhaha ka laaban dhibaatada ka jirta Soomaaliya”ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda dalka aan walaalahanahay ee Turkiga Mudane Mevlut Cavusoglu.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliya wuxuuna sheegay in dowladiisa Turkiga ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay garab ku siineyso la dagaalanka argagixisada iyo wax ka qabashada xaalada taagan ee fatahaadyada Wabiyada Jubba iyo shabeele.

Dowladda Turkiga ayaa waxay tahay saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya iyadoo dalka ay ka wadaan mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska adeegyada bulshada iyo tababarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay siiyaan.

Trending

Exit mobile version