Local News

Dowladda Turkiga oo howl-galkii Syria bilaabay

Published

on

Ciidamada Turkiga ayaa bilaabay howl-galkii militari ee muddada la qorsheynayay ee waqooyiga Syria si looga sifeeyo ciidamada Kurdish-ka ee ay ugu yeereen argagixisada.

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay billowga howl-galka oo uu ugu yeeray Nabadda Xagaaga wuxuuna ku sheegay arimahan in looga dan leeyahay cirib-tirka halista argagixsada ee ka dhanka ah Turkey.

Howl-galkan hadda uu bilaabay Turkiga ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii Ciidamada Maraykanka ay ka baxeen dalka Syria gaar ahaan gobolka hadda Ciidamadan ay ku wajahan yihiin.

Haddaba maanta ayaa waxaa la arkay sawirada Gawaarida dagaalka ee Turkiga oo ku sii qulqulaya Syria kana gudbaya xusuudka dalka Syria gudahana ugalay dalkaasi iyadoo udiyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Kurdishka Syria.

Trending

Exit mobile version