Wararka Soomaalida
Dowladda UK oo digniin ka soo saartay Soomaaliya
War ka soo baxay Safaarada dowladda Ingiriiska ay ku leedahay Soomaaliya ayaa waxaa digniin loogu diray dhamaan muwaadiniinta ka soo jeeda Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah ayna xadidaan dhaq-dhaqaaqooda Soomaaliya.
Warqad ka soo baxday Safaaradan ayaa warkeeda wuxuu la xiriiraa cabsi laga qabo in magaalooyinka Soomaaliya qaar ka mid ah laga cabsi qabo inay ka dhici karaan qaraxyo maalmaha nagusoo aadan sidaa awgeed muwaadiniintooda ujeedinayaan wax allaale wixii safaro ah ama socdaal ah ee ay ku samaynayaan Soomaaliya joojiyaan si saamayn uga yeelan qaraxyada laga cabsi qabo inay ka dhicikaraan Soomaaliya.
Warkan ka soo baxay Safaarada UK ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si gaar ah digniintan loogu carabaabay kuwa ku sugan Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera ee Soomaaliland inay muujiyaan taxadir dheeraad ah ayna ku sugnaadaan xarumahooda shaqo.
Sidoo kale digniintan ku socota muwaadiniinta Ingiriiska meel walba oo ay kaga sugan yihiin Soomaliya ayaa waxaa loogu baaqay kuwa aan ku jirin shaqooyinka laga maarmaanka ah inay deg deg uga baxaan Soomaaliya ilaa xaalada Soomaaliya ee hadda taagan wax iskiiga badalayaan.