Wararka Soomaalida

Dowladda UK oo ka hadashay Shirka ka socda Garowe

Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa waxaa shir ugu socdaa Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,R’iisul wasaare Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iyo Shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleed ee kala ah Jubbaland Axmed Madoobe,Galmudug Xaaf,Koonfur Galbeed […]

Published

on

Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa waxaa shir ugu socdaa Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,R’iisul wasaare Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iyo Shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleed ee kala ah Jubbaland Axmed Madoobe,Galmudug Xaaf,Koonfur Galbeed Lafta Gareen,Hirshabelle Waare iyo Puntland Siciid Deni.

Madaxdan ayaa waxay ka wada hadlayaan aayaha dalka sida amaanka, dhaqaalaha,Siyaasadda iyo doorashada dalka ee lagu wado inay qabsoonto sanadka 20 21 iyo 2022ka qaabkii la,iskuuga raaci lahaa iyo xal ka gaarista arimaha Khilaafka dowladda dhexe iyo Maamulada seddaxda ah.

Safiirka UK ee Soomaaliya ambassador Ben fender oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in Dowladda UK ay ka rajo qabto in Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada Soomaaliya ee shirka ugu socda Garowe ay ku gaaraan qodobo dhaxal gal unoqon kara mustaqbalka Soomaaliya shirka ay ku leeyihiin Garowe.

Ben fender ayaa wuxuu intaas warkiisa ku daray in iyaga oo aan gaarin heshiis miro dhal ah ka soo tagaynin Magaalada Garowe Madaxda halkaas ku shiraysa sidoo kale wuxuu xusay in heshiiska uu ku salaysnaan doono xooggiisa wax wada qaybsiga Dowladda dhexe iyo Maamulada wax tabanaya sida Khayraadka dalka iyo deeqaha dibadda ugu imaanaya Dowladda Soomaaliya.

Dowlado ay ka mid yihiin UK Maraykanka iyo wadamada kale ee caalamka isladaneeyana daneeya arimaha Soomaaliya ayaa ku kala dhax jira madaxda ku shiraysa Garowe iyagoo ku cadaadinaya in xal sax ah ay ku gaaraan shirka Garowe.

Dhinaca kale ambassador Ben fender ayaa waxaa wax laga qeydiiyey cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya sanadkii hore Nicholas Haysom sida ay u,aragtay Dowladdiisa ee UK iyo guud ahaan aragtida beesha caalamka.

“arin qarsoon ma ahan in Dowladda Uk iyo beesha caalamka ay ka xumaadeen sida loo maareeyey eryidii Nicholas Haysom Waxaan dareenay in sidaas aysan haboonayn in dowladda Soomaaliya ay ula dhaqanto Nicholas Haysom iyo hay’ad ay iskaashi kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya aniga rayi ahaantayda waa laga ficnaa talaabadaas ay qaaday Dowladda Soomaaliya laakiin dowladda Soomaaliya danaheeda iyo Qaranka guud ahaanba waxa ufiican iyagaa iyaga yaqaana” ayuu yiri Safiirka UK ee Soomaaliya ambassador Ben fender.

Su,aal kale oo la weydiiyey ambassador Ben fender ayaa waxay ahayd talada uu ujeedinayo QM ee ku saabsan magacaabista wakiilkii bedeli lahaa Nicholas Haysom ayaa waxaa uu ku jawaabay.

“Waxaan ka codsanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan QM u magacowdo wakiilkii Soomaaliya iyadoo aan ogsoonahay inay jiraan hannaan loo maro shaqaalaysiinta ergay QM ah waxaan filayaa in howshaasi meel fiican hadda ay marayso kolayba way magacaabi doonaan xiliga ay noqotaba”ayuu yiri Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ambassador Ben fender.

Eryidii wakiilkii QM ee arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ee sanadkii hore ee 2018kii ayaa QM ku qaadatay waqti dheer shaqsigii ay ku bedeli lahaayeen iyadoo Nicholas Haysom loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee QM ee xalinta Dalka Sudan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version