Wararka Soomaalida
Duq Muqdisho iyo Duqa Doha oo heshiis kala saxiixday
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) oo maanta magaalada Doha ee dalka Qatar heshiis kula saxiixday dhigiisa magaalada Doha Jamal Madar Heshiiskan labada magaalo ayaa noqonaya heshiis mataanayn ah isla markaana ah markii ugu horeysay taariikhda labada Magaalo Doha iyo Muqdisho la mataanayo.
Heshiiska labada duq magaalo Muqdisho iyo Doha ayaa wuxuu ka kooban yahay 10-qodob oo ay iska kaashan doonaan madaxda Doha iyo Muqdisho kaas oo ku saabsan dib u dhiska magaalada Muqdisho, isdhaafsiga aqoonta,xirfadaha,horumarinta adeegyada bulshada ee aas aasiga ah sida Caafimaadka,nadaafada iyo dhiraynta magaalooyinka.
Gudoomiyaasha labada magaalo ayaa booqashooyin ku kala bixin doono Magaalooyinka Muqdisho iyo Doha si looga wada shaqeeyo barnaamijyo mid ah oo lagu horumarinaayo labada magaalo Muqdisho iyo Doha sida uu dhigayo heshiiska ay wada saxiixdeen Cumar Finish iyo Jamaal Madar.
Waxaa sidoo kale ka mid ah hishiiskan in labada magaalo iska kaashadaan horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidoo kale in labada magaalo ay ka wada faa’iideestaan barnaamijyada iskaashiga horumarinta leh oo ay qabtaan labadooda doowladooda ee Soomaaliya iyo Qadar.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Doha isagoo ka qaybgalayay Madasha Doha FORUM qeybna ka ahaa wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay shirkii Madasha Doha FORUM.