Wararka Soomaalida
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaano oo kormeeray Isbitaalka laazareti
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka dhimirka ee Laazareti ee degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho iyadoo Isbitaalkaas ay ku jiraan dad farabadan oo iskuuga jira rag iyo dumar ahna dadka ka xanuunsan dhimirka.
Gudoomiyaha iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa mid mid udul istaagay qolalka uu ka kooban yahay Isbitaalka iyagoo markii dambe la fariistay shirna la qaatay maamulka Isbitaalka waxayna wax ka weydiiyeen sida xaalkooda Caafimaad uu yahay bukaanadan dhimirka ka xanuunsan ee ay ku xanaaneeyaan xarunta.
Maamulka Isbitaalka Laazareti ayaa ugu warbixiyay si hadda xaaladooda Caafimaad tahay iyo heerka hadda ay marayaan waxayna usheegeen wafdigan maamulka Gobolka Banaadir iyo Xildhibaanada ah in xaalada bukaanada sidii hore hadda ka soo hagaagayso balse waxay usheegeen in baaxadda Isbitaalka iyo dadka uu qaabilayo ee lagu xanaanaynayo aad ukala fogtahay.
Maamulka Laazareti ayaa sheegay in ciriiri weyn ay dareemayaan ayna jaclaanlahaayeen in loo waasiciyo ama dhismo cusub lagu daro si Isbitaalka uqaabilo bukaano intaan ka badan kuwa hadda ku jira iyo kuwa kale ee la keeni doonba ay u helaan meel ay ku kala nafisaan.
Xildhibaanada iyo Gudoomiyaha ayaa usheegay maamulka Isbitaalka dhimirka ee Laazareti mardhow lagu dari doono dhisme cusub baaxada Isbitaalkana aad loo balaarin doono si bukaanada jiifa ee hadda Caafimaadkooda ka soo raynaya uhelaan dhul waasac ah oo ay ku nafisaan.
“Waxaan maanta kormeer shaqo ku tagay isbitaalka dhimirka ee laazareti ujeedka kormeerka ayaa ah dhisme cusub oo lagu sameyn doono qayb cusub oo lagu daryeelo dadka dhimirka la xanuunsan”ayuu yiri Gudoomiye Cumar Finish.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa muddooyinkaaba wada shaqo dardar ku socota tan iyo markii xilkan loo magacaabay wuxuuna ku dadaalayaa sidii shacabka Muqdisho uheli lahaayeen magaalo bilicdeeda saraysa iyo sidoo kale in bulshada ay helaan maamul si daacad ah ugu adeegaya waxyaabaha bulshada ubaahan yihiina ka haqabtira.