Wararka Soomaalida
Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Safiirka Maraykanka
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka maraykanka ufadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyagoo waxyaabo dhowr ah isla qaadaa dhigay.
Gudoomiye Cumar Finish ayaa sheegay in Safiirka uu ka codsaday inay ka kaalmeeyaan horumarinta Caasimada dhan walba iyadoo Safiirkana uu ka ajiibay dalabkaas Gudoomiyaha Gobolka Banaadir usoo jeediyay.
Kulankan u dhaxeeyay duqa magaalada Muqdisho iyo Ambassador Donald Yamamoto ayaa waxay kaloo kaga wada hadleen arimo ay ka mid ahaayeen xoojinta wadashaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo safaarada USA,Iskaashiga amniga Caasimadda taageerada mashaariic horumarineed,arimaha barakacayaasha iyo shaqa abuurka.
Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa u balan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish in uu maamulkiisa ku garab istaagi doono barnaamij kasta oo lagu horumarinaayo Caasimada dalka.