Wararka Soomaalida
Duqa muqdusho oo gudi magacaabay
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa caawa ku dhawaaqay 7 xubnood oo ah gudi ka shaqaynaya furitaanka wadooyinka xiran ee magaalada muqdisho.
Gudoomiye Cumar Finish ayaa gudigan gudoomiye uga dhigay Gudoomiye ku xigeenka amniganiyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Tuulax.
Hoos ka akhriiso magacyada Gudiga.
1-Maxamed Cabdulaahi Maxamed Tuulax Gudoomiye.
2-Saadaq Cumar Maxamed Xubin.
3-Ibraahim Macalin Cabdulaahi Xubin.
4-Kor Axmed Xaaji Cismaan Cabdikariin Daahir(Kadis) xubin.
5-Cabdi Cismaan Yuusuf xubin.
6-Cabdi Maxamed Baaruud Xubin.
7-Kor Daahir Maxamed tuuryare xubin.
Gudigan ayaa waxaa laga doonayaa in sida ugu dhaqsiyahaban ufuraan wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.