Wararka Soomaalida

Duqa Nairobi oo lagu damiintay sii dayntiisa $150,000 oo dollar.

Published

on

Duqa magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mike Sonko oo xabsiga la dhigay 6-da bishan December ayaa maanta lagu sii daayay damiin lacageed oo gaaraysa $150,000 oo dollar ka dib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag farabadan.

Ciidamada Kenya ayaa Mike Sonko xabsiga utaxaabay ka dib markii madaxda sare ee Kenya amar ku bixisay in la soo xiro ka gadaal markii sida lagu soo eedeeyay uu musuq maasuqay lacag gaaraysa 3 Milyan oo Dollar isla markaana ku fushada danahiisa gaarka ah.

Mas’uulkan lagu magacaabo Mike Sonko ee maanta damiinta lacageed xabsiga looga sii daayay ayaa waxay wararka sheegayaan baaritaan lagu sameeyay Accoun-kiisa laga helay lacag aad utirabadan oo uu keedsaday waana midda keentay shakiga ah inuu musuq maasuqay lacag dowladda leedahay gaar ahaan xafiiska asaga loo igmaday uu shaqeeyay.

Mike Sonko Gudoomiyaha magaalada Nairobi ahna Duqa magaalada ayaa maanta waxaa lagu soo daayay damiin lacageed oo gaaraysa $150,000 oo Dollar.

Sii daynta Mike Sonko ee xabsiga laga daayay ayaa ku soo aadeysa iyadoo aanan weli go’aan laga gaarin eedeymaha loo haysto ee la xiririirta arimaha musmaasuqa.

Mike Sonko ayaa lagu amray in uusan tagi Karin xafiiskiisa ilaa amar dambe ilaa go,aan rasmi ah laga soo saarayo arimaha lagu haysto Gudoomiyaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mike Sonko.

Mike Sonko oo hadal kooban loo ogolaaday inuu jeediyo ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay inuusan gaysan eedaymaha loo soo jeediyey oo ay ka mid tahay inuu lunsaday lacago malaayiin dollar gaaraya.

Gudoomiyaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mike Sonko wax yaabaha kale ee la yaabka leh ee lagu eedeeyay ayaa waxaa ka mid ah inuu ku labisto mar waliba dhar midinkiisa soo jeedasho leh oo mas’uuliyiinta Kenya ay u arkeen arin kale halka dadka qaarna u arkaan kuwo maad leh balse asaga la ahayd dhar xaragadiisa ku wanaagsan ama bilicdiisa dhanka labiska ah soo saaraya.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dharka uu ku xaragoodo ee soo jeedashada leh ee Mike Sonko marwalba uu soo xirto dacwo ay ka gudbiyeen dumarka Kenyaanka ah iyadoo dharkaas uu leeyahay Midibo kala duwan isla markaana aan laga isticmaalin dalka Kenya.

Trending

Exit mobile version