Wararka Soomaalida

Duqeyn ka dhacday Shabeelada hoose oo lagu dilay 85 Al shabaab ah Akhriso Magacyada

Sida maanta ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Kumandoska Soomaaliya ee Danab oo taageero Diyaaradeed ka helaya Ciidamada Maraykanka howlgal xalay ay ka fuliyeen Deegaanada Beledul Amiin iyo Hani-wadaag ee Gobolka Shabeelada hoose. Howlgalkaas ayaa saraakiisha Ciidanka Kumandoska Soomaaliya ee Danab waxay ku sheegeen in ay ku dileen […]

Published

on

Sida maanta ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Kumandoska Soomaaliya ee Danab oo taageero Diyaaradeed ka helaya Ciidamada Maraykanka howlgal xalay ay ka fuliyeen Deegaanada Beledul Amiin iyo Hani-wadaag ee Gobolka Shabeelada hoose.

Howlgalkaas ayaa saraakiisha Ciidanka Kumandoska Soomaaliya ee Danab waxay ku sheegeen in ay ku dileen 85 ka mid ah Saraakiisha al-shabaab oo iskuuga jira Soomaali iyo Ajanabi.

Sidoo kale waxay untaas ku Dareen Saraakiisha Danab in ay burburiyeen Xarumo Al shabaab ay u ahayd Tababar Ciidan iyo in weerarada Muqdisho ay ka fuliyaan laga soo qaadijiray Xarumahaas.

Saraakiisha Danab ayaa shaaciyey Magacyada Ragga Ajanabiga ah ee duqeynta lagu dilay iyo waliba wadamada ay ka soo kala jeedaan Sidoo kale jagooyinka ay ka hayeen Al shabaab waxaana ka mid ah.

1-Abuu Xamsa Bin Shaam oo ka soo jeeda dalka Masar kaa soo la sheegay in Al-shabaab u qaabilsanaa Tababarada Maleeshiyada Al shabaab.

2-Aweys Abu Xamza Al-Mifsali oo  heesta dhalashada dalka Tanzania.

3-Abuu Bilaal Zubeyr oo heesta Dhalashada Mongoliya kaa soo la sheegay inuu horey u ahaa ku-xigeenka Ibraahim Afghan iyo Aadan Xaash Cayrow.

4-Abuu Musiyaan oo isna ka soo jeeda dalka Suuriya.

5-Feysal Bin-hayaan oo asna ka soo jeeda dalka Yeman.

Markii laga soo tago shaacinta Shantan Ajanabiga ah Magacyadooda ee Taliska Ciidanka Kumandoska Soomaaliya dhinaca kale masheegin Magacyada Kuwa Soomaalida ah ee duqeyntaas lagu dilay.

Majiraan Warar ka madax banaan oo sheegaya dilka 85 ka mid ah Maleeshiyada Albshabaab ee lagu dilay deegaanada Beledul Amiin iyo Hani-Wadaag ee Shabeelada hoose oo iskuuga jira Ajanabi iyo Soomaali ee maanta ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version