Wararka Soomaalida

Duulimaadkii Diyaaradda Kenya Airway Muqdisho iyo Nairobi oo isbedel ku yimid

Dowladda Kenya ayaa hakisay duulimaadkii shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airway ee Muqdisho iyo Nairobi toos ugu howgali jirtay ka dib amar ka soo baxay maanta dowladda Kenya. Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airway ayaa sheegtay in duulimaadkii tooska ahaa ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta uu hakad ku yimid ka dib markii amar ka soo baxay dowladda […]

Published

on

Dowladda Kenya ayaa hakisay duulimaadkii shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airway ee Muqdisho iyo Nairobi toos ugu howgali jirtay ka dib amar ka soo baxay maanta dowladda Kenya.

Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airway ayaa sheegtay in duulimaadkii tooska ahaa ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta uu hakad ku yimid ka dib markii amar ka soo baxay dowladda Kenya la soo gaarsiiyey xafiisyada Shirkadda Kenya Airway.

Duulimaadkii ahaa toos Muqdisho iyo Nairobi hadda loo bedelay Muqdisho iyo Wajeer ee Gobolka waqooyi beri ee Kenya halkaas oo ay ku hakan doonaan rakaabka diyaaradda.

Shaqaalaha shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airway ayaa maanta usheegay rakaabkooda in isbedel uu ku yimid duulimaadkoodii ahaa Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta ayna ku hakan doonaan Garoonka Wajeer sidii awalba,ahaan jirtay.

ilaa hadda ma faafaahinin shirkadda amarkan lagu soo rogay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ka dib amarkan ka soo baxay dowladda Kenya ee loo bedelay in Kenya Airway rakaabka ay ka soo qaadayso garoonka Aadan Cadde ay ku soo hakadaan garoonka Wajeer.

Duulimaadka tooska ahaa ee hadda isbedelka ku yimid ayaa waxaa toos laga dhigay sanadkii hore ee 2018kii ka dib heshiis dhaxmaray dowladda Kenya iyo tan Soomaaliya sidoo kale wasiirada arimaha duulista hawada ee Soomaaliya iyo Kenya.

Shirkadda Kenya Airway ayaa bogeeda ku sheegtay war aan faafaahsanayn oo ah in isbedel uu ku yimid duulimaadkii tooska ahaa ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta ayaa sheegtay inay ku hakan doonaan Garoonka Wajeer ee Gobolka Waqooyi beri.

Diyaarada Kenya Airway rakaabka ay ka qaado Muqdisho ee ku hakanaya Wajeer ayaa ujeedka ka dambeeya wuxuu yahay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo dadka Soomaalida ah ee saaran diyaaradda iyadoo si aad ah oo fatishayo ama loo baarayo agabka ay wataan.

Sidaas si lamid ah dadka shacabka ah ayaa waxaa lagu sameeyaa Xildhibaanada iyo wasiirada Soomaaliya markii ay aadayaan dalka Kenya sidii horaan lagu yaqaanay ku hakashada Garoonka wajeer.

Lama oga sababta ka dambaysa amarkan cusub ee hadda ka soo baxay dowladda Kenya ee ah in Kenya Airway rakaabka ay ka soo qaado Muqdisho soo marsiiso Wajeer waxay dowladda Kenya ugu goleedahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version