Wararka Soomaalida

Ergayga QM arimaha soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

Ergayga QM uqaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ayaa maanta yimid Magaalada Muqdisho si uu ula wareego xilkii loo igmaday iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Aadan Cadde soo dhaweyn balaaran ugu sameeyeen shaqaalaha xafiiska QM ee Soomaaliya. James Swan Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya ee u dhashay Dalka Maraykanka […]

Published

on

Ergayga QM uqaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay xilkan ayaa maanta yimid Magaalada Muqdisho si uu ula wareego xilkii loo igmaday iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Aadan Cadde soo dhaweyn balaaran ugu sameeyeen shaqaalaha xafiiska QM ee Soomaaliya.

James Swan Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya ee u dhashay Dalka Maraykanka ayaa xilkan loo magacaabay 30-kii bishii May 2019 wuxuu waxbadan ka soo shaqeeyay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya.

James Swan wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa wuxuu bedelay wakiilkii hore ee QM arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ka dib markii Nicholas Haysom dalka ka Eriday dowladda federaalka Soomaaliya bilowgii sanadkan 2019-ka.

Hawshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay James Swan ayaa waxay ahayd 25 sano ka-hor markaas oo ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii.

Sanadihii udambeeyay James Swan ayaa ku shaqaynayay kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Sanadihii 2007-dii ilaa 2008-dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Maraykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008-dii iyo 2011-kii wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011-kii ilaa 2013-kii.

James Swan ayaa soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013-kii ilaa 2016-kii.

 

 

“Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yiri James Swan,Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay iyo weliba guud ahaan beesha caalamka waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version