Wararka Soomaalida
Ergayga QM ee Soomaaliya iyo Taliska AMISOM oo War ka soo saaray Weeraradii galabta lagu qaaday Xalane iyo Aadan Cadde
Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom ayaa Caawa ka hadlay Weerarki Madaafiicda,ahaa ee galabta lagu qaadayXarunta Xalane oo ah Taliska guud ee Ciidamada Midowga AFRICA ee Amisom sidoo Kalana ay ku yaalaan Xafiisyada Hay’adaha UN iyo AU iyo Waliba Safaaradaha reer Galbeedka, waxaa kaloo jiray Madaafiic kale oo lagu soo tuuray […]
Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom ayaa Caawa ka hadlay Weerarki Madaafiicda,ahaa ee galabta lagu qaadayXarunta Xalane oo ah Taliska guud ee Ciidamada Midowga AFRICA ee Amisom sidoo Kalana ay ku yaalaan Xafiisyada Hay’adaha UN iyo AU iyo Waliba Safaaradaha reer Galbeedka, waxaa kaloo jiray Madaafiic kale oo lagu soo tuuray Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabduulle Cusmaan Aadan Cadde ee Magaalada Muqdiaho.
Madaafiicda oo labo jiho kala ahaa ayaa kan Kowaad waxaa lagu weeraray Garoonka Aadan Cadde inkastoo Madaafiicdas ku Dhicin Gudaha Garoonka waxaana la sheegay in Sedax Gantaal ay ahaayeen Sedaxdiiba Badda ay ku dhaceen.
Weerarka labaad ayaa waxaa uu ahaa kan Xarunta Xalane waxaana gudaha Xalane ku soo dhacay Sedax Gantaal halka labo Gataal oo kale ay ugudbeen Badda waxaase Khasaaro ka gaystay Xarunta Xalane Seddaxdii Madfac ee gudaha ugalay waxaana Madaafiicda wax yeello ugaysteen Xafiisyo intoodabadan shaqaalihii la fasaxay lagana maqnaa.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Sedax ka mid ah shaqaalaha Xafiiska ku xigeenka Midowga Africa oo Madfac ku soo dhacay Xafiiskiisa.
Nicholas Haysom ayaa cambaareeyey Weeraradan galabta lagu qaaday Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde waxaana uu yiri”waxaan usheegayaa caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba in ujeedkii Weeraradan laga ahaa laga gaarin Madaafiicdan lagu weeraray Xalane ma,ahayn ulajeedka Xarunta Xalane wax khasaaro ah oo sidaas uweyni magaysan,intooda badan Badda ayey ku hoobteen,Sedax ka mid ah Howl wadeeno ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray Madaafiicda, waxaan urajaynayaa inta dhaawacyada qabta in dhaqso ubogsoodaan,kan Aadan Cadde asagu way gudbeen Madaafiicda”
Haysom ayaa waxaa uu aad u weeraray Kooxdii ka dambaysay Weeraradii Galabta lagu qaaday Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde”Waa nasiibdaro in xiligan waxaan iyo wax lamid ah lagu faano ama laga shaqeeyo waa ficilada ay ku dhaqmaan kuwa nidaamdiidka ah waxaan u sheegilahaa in ay ka waantoobaan ficilada guracan”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.
Dhinaca kale waxaa isla arrintan War ka soo saaray Taliska Amisom waxayana ku sheegeen Warkooda in wax khasaaro ah oo sidaas uweyni aanay ugaysan Xarunta Xalane ee weerarka Madaafiicda ah ee lagu qaaday kaliya Xafiisyo laga maqnaa ay ku dhaceen Madaafiicda.
Amisom ayaa sheegay in Sedax Gantaal gudaha ay ugu soo dhaceen sedax ka mid ah Shaqaalaha Xafiis ka mid ah Xafiisyadooda uu soo gaaray dhaawac fudud wax intaas ka baxsana aanay jirin xaaladana ay degantahay.
Xarunta Xalane ee galabta Madaafiicda lagu weeraray ayaa waxay tahay xarunta ugu weyn Ciidamada Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee Amisom Sidoo kale ay ku yaalaan xaruntan Xafiisyada Hay’adaha UN iyo AU waxaa sidoo kale ku yaalla Xafiisyada Safaaradaha reer Galbeedka.
Weeraradan ayaa waxaa sheegtay Maleeshiyada Al shabaab ka dib markii Website-yada ku hadla Afka Al shabaab lagu baahiyey in Weerarada ayagu ay ka dambeeyaan.