Wararka Soomaalida
Faa-faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
Qarax loo adeegsaday gaari ayaa barqadii maanta ka dhacay ka soo hor jeedka Wasaaradda Batroolka iyo Teknoolijiyada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ku taala degmada Boondheere. Qaraxaas ayaa waxaa laxaqiijiyey in ay ku dhinteen labo ruux oo shacab ah iyo dhaawaca Shan qof oo rayid ah. Waxaa ka hadlay qarax Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo […]
Qarax loo adeegsaday gaari ayaa barqadii maanta ka dhacay ka soo hor jeedka Wasaaradda Batroolka iyo Teknoolijiyada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ku taala degmada Boondheere.
Qaraxaas ayaa waxaa laxaqiijiyey in ay ku dhinteen labo ruux oo shacab ah iyo dhaawaca Shan qof oo rayid ah.
Waxaa ka hadlay qarax Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Tuulax wuxuuna sheegay in gaarigan lagu fuliyey qaraxa ujeedkiisa uusan ahayn halkan balse ay soo ogaanayaan meesha ujeedkiisa ahaa iyo sida lagu soo galiyey Magaalada Muqdisho iyadoo Ciidamo farabadan oo amaanka qaabilsan ay ka howlgalaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.