Wararka Soomaalida
Faa-faahino laga helayo qarax yadii Muqsisho+sawiro
Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Caawa ka dhacay wadada Makah Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa in ay xooganyihiin naf iyo maalba ay iskuuga jiraan. Meesha Qaraxa ka dhacay oo ah meel ay ku yaalaan xarumo ganacsi oo aad utiro badan ayaa waxaa ku gubtay qaar ka mid ah xarumahaas ganacsi halka qaarna […]
Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Caawa ka dhacay wadada Makah Al Mukaramah ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa in ay xooganyihiin naf iyo maalba ay iskuuga jiraan.
Meesha Qaraxa ka dhacay oo ah meel ay ku yaalaan xarumo ganacsi oo aad utiro badan ayaa waxaa ku gubtay qaar ka mid ah xarumahaas ganacsi halka qaarna burbur xoogleh uu soo gaaray sidoo kale dhaawacyo ay ka soo gaareen dadkii iska lahaa goobahaas.
Guud ahaan dhimashada dadka rayidka ah ilaa hadda layxaqiijiyey waxay gaarayaan 15 qof halka dhaawacana uu gaarayo 25 ruux sida laamaha amniga Muqdisho ay inoo sheegeen.
Waxaa intaas dheer oo jira markii Qaraxa Koobaad uu dhacay ayaa waxaa rag hubaysan oo ka kooban Afar dhalinyaro ah utalaabeen oo ay fuuleen dhisme ka soo horjeeda Hotelka Makah Al Mukaramah oo la yiraahdo Hilaac UK.
Kooxahan saaran dhismaha dheer ee Hilaac UK ayaa lagu soo waramayaa in mararka qaar Ciidamada kor kaga soo tuurayaan Bam gacmeedyo iyo rasaas iyadoo qaar ka mid ah dadkii ka soo badbaaday qatartaas ay sheegeen in dablaydan qaar ka mid ah ku hubaysan yihiin oo ay jeenqaar sanyihiin Qoriga Dabajeexa Soomaalida ay u taqaano ee leh Silika dheer rasaastuna ku taxan tahay.
Hilaac UK ayaa ah Baar weyn oo laga cunteeyo waxaana halkaas ku dagaalamaya hadda Ciidamada Booliska iyo dablayda hubaysan sida wararka ay nagusoo gaarayaan ay sheegayaan.
Wixii ku soo kordha waa inoo hadhaw insha,allah.