Wararka Soomaalida
Faafaahin dheeraad ah oo ka soo baxay Qaraxii gaari ee Muqdisho
Gaarigii ku qaraxay dagaan-dega Isgoyska Dabka dhinaca Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa iska lahaa mid ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamankii 8-aad iyo kii 9-aad ee Soomaaliya wuxuuna Qaraxan dhacay xili uu ku jiray Salaada Maqrib Masjidka la yiraahdo Xeynuuf ee ku yaala hoobadka ama dagaan-dega Isgoyska Dabka dhinaca Degmada Howl-wadaag. Xildhibaankan […]
Gaarigii ku qaraxay dagaan-dega Isgoyska Dabka dhinaca Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa iska lahaa mid ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Baarlamankii 8-aad iyo kii 9-aad ee Soomaaliya wuxuuna Qaraxan dhacay xili uu ku jiray Salaada Maqrib Masjidka la yiraahdo Xeynuuf ee ku yaala hoobadka ama dagaan-dega Isgoyska Dabka dhinaca Degmada Howl-wadaag.
Xildhibaankan hore ee gaarigiisa loogu xiray Miinada dhejiska ah kana badbaaday qatartaas ayaa waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan Cabdiwaaxid Cabdulaahi wuxuuna sheegay in qaraxaas uu dhacay markii uu ka soo baxayey Masaajidka soona dukaday salaada Maqrib.
Xildhibaan hore Cabdiwaaxid Cabdulaahi ayaa Gaariga dhigtay goob Gawaarida la dhigto oo ku dhaw Masjidka Xeynuuf ee Degmada Howl-wadaag una,dhawa Isgoyska Dabka si uu ugu dukado salaada Maqrib lamana oga in Qaraxan intii uu soo socdayba ku xirnaa Gaariga iyo in markii uu dhigtay ka dib halkaas loogu xiray laakiin sida muuqata waxay ubadan tahay in meel kale loogu soo xiray ilaahayna ka badbaadiyey intii uu soosocday tiisa oo wax ka dhinaayeen awgeed uu ka badbaaday.
Xildhibaan hore Cabdiwaaxid Cabdulaahi ayaa waxaa uu sheegay mar uu lahadlay Wargayska Tusmotimes in Qaraxa gaarigiisa loogu xiray ka dibna uu qaraxay cidna wax ku noqonin wuxuuna Allaah ugu mahadceliyey badaadada uu ka badbaadiyey naftiisa qaraxaas loogu xiray gaarigiisa.
Xaaladan Miina ku dhejinta Gawaarida ah ayaa waxay tahay mid aan ku cusbeyn Magaalada Muqdisho iyadoo wax yaabahaas ay yihiin kuwo leh ujeedooyin badan sida Al shabaab iyo kuwo sida Al shabaabka oo kale qaraxyada dhejiska ah ku dilay mas,uuliyiinta Dowladda,Siyaasiyiinta horey xilalka u soo qabtay iyo dadka kale ee magaca leh.