Wararka Soomaalida

Faafaahin dheeraad ah oo laga helayo dagaalkii ka dhacay Garowe

Published

on

Dagaal culus ayaa caawa wuxuu ka dhacay xarunta Baarlamanka Puntland ee magaalada Garowe ka dib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daarood sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaya.

Dagaalkaas caawa ka dhacay Garowe ayaa waxaa la isku adeegsaday qoryaha waaweyn ee ku rakiban gaadiidka dagaalka iyo qoryaha fudud iyadoo caawa laga maqlay agagaarka aqalka golaha wakiilada Puntland ee Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastan ay dhexmartay Ciidamo la sheegay in laga soo diray madaxtooyada Puntland oo gaaray aqalka baarlamaanka iyo ciidamada ilaaliya xarunta Baarlamanka Puntland wuxuuna sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan sida aan wararka ku helnay.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa la sheegay inay doonayeen in xoog kala wareegaan xarunta Baarlamanka Puntland hase ahaatee ilaalada xarunta ay iska caabin xoog xiidan ay kala hor tageen sida wararku ay sheegayaan.

Xaada oo aad xumaatay awgeed ayaa waxaa joogsaday isku socodka dadka iyo gaadiidka qaybo ka mid ah magaalada Garoowe waxaana hadda magaalada ka jirta xaalad kacsanaan ah iyadoo cabsi xoogan ay soo wajahday dad weynaha degan xaafadaha ku dhow xarunta Golaha baarlamanka ee israsaaseynta ka dhacday.

Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan caawa ka dhacay magaalada Garoowe waxaana weli halkaas ka taagan xiisad u dhexeysa ciidamada dagaalamay iyadoo rasaas goos goos ah weli laga maqlayo goobaha caawa la isku fara saaray.

Arintan ayaa loo malaynayaa iney salka ku heyso Khilaaf siyaasadeed oo maalmahanba u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Puntland Dhoobo-Daarood.

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta galay fasax dhan muddo seddax cisho ah waxaana lagu balamay in dib loo furo golaha maalinka isniinta ah iyadoo maalmahan uu jiray abaabulka mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhooba-Daarood kaa soo ay wadaan xildhibaano taageersan Madaxweyne Deni.

Trending

Exit mobile version