Wararka Soomaalida
Faafaahin dheeraad ah oo laga helayo dilkii nabadoonka Kismaayo
Dablay ku hubaysan Bistoolado ayaa caawa gudaha Magaalada Kismaayo ku dishay Alle ha unaxariistee Nabadoon Ibraahim Jeeri oo ahaa nabadoonkii guud ee Beesha Jareerwayne. Lama oga cidda ka dambaysay dilka Marxuumka balse dhawaan hadal uu ka jeediyay xaflad ka dhacaday hooyga Musharax Cabdirashiid Xiddig ayaa wuxuu kaga hadlay cabasho badan oo uu tirsanayo madaxda Maamulka […]
Dablay ku hubaysan Bistoolado ayaa caawa gudaha Magaalada Kismaayo ku dishay Alle ha unaxariistee Nabadoon Ibraahim Jeeri oo ahaa nabadoonkii guud ee Beesha Jareerwayne.
Lama oga cidda ka dambaysay dilka Marxuumka balse dhawaan hadal uu ka jeediyay xaflad ka dhacaday hooyga Musharax Cabdirashiid Xiddig ayaa wuxuu kaga hadlay cabasho badan oo uu tirsanayo madaxda Maamulka Jubbaland.
Dilkiisa kadib waxaa goobta ka baxsaday kooxdii fulisay dilka Nabadoonka iyadoo meydkiisa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Kismaayo ku yaala.
Jubbaland dhawaan waxaa ka dhacaysa doorasho guud waxaana loolan adag uu dhex mari doonaan Musharixiin uu kamid yahay Madaxwaynaha hadda xilka haya iyo Siyaasiyiin waawayn oo mucaarad ah kuwaas oo uu kamid yahay Cabdirashiid Xiddig.
Waxaana kismaayo ka socota kasbasho ay musharixiinta ku kasbanayaan Hormuudka beelaha Jubbaland si musharax walba uu uhelo kuraasta ugu badan ee xildhibaanada wax dooranaya.