Wararka Soomaalida
Faafaahin ka soo baxay dil ka dhacay Muqdisho
Xaafada suuqa xoolaha ee degmada Huruwaa ayaa waxaa caawa lagu dilay labo wiil oo ka mid ahaa dhalinyarada xaafadaas waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro bastoolado ku hubaysan. Dablayda dishay labadaas wiil ayaa markii dambe ka baxsaday gobta sida uu sheegay ruux goob jooge ah. Wiilashan la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil iyo […]
Xaafada suuqa xoolaha ee degmada Huruwaa ayaa waxaa caawa lagu dilay labo wiil oo ka mid ahaa dhalinyarada xaafadaas waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro bastoolado ku hubaysan.
Dablayda dishay labadaas wiil ayaa markii dambe ka baxsaday gobta sida uu sheegay ruux goob jooge ah.
Wiilashan la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed ayaa waxay halkaasi ku lahaayeen Studio laga duubto filimada hindiga iyo heesaha iyo weliba Foto Sawirada lagu galo.
Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay waxaana la shegay inay baaritaan ka sameeyeen xaafadaas.