Wararka Soomaalida

Faafaahino dheeraad ah oo ka soo kordhay weerarkii Nairobi

Waxaa sii kordhaya dadkii ku dhintay weerarkii Al shabaab Taladadii la soo dhaafay ay ka fuliyeen Hotelka Dusit ee ku yaalla Degmada Westelands ee Caasimadda Dalka Kenya Magaalada Nairobi. Hay’adda laanqeyrta Cas ee Kenya War maanta ka soo baxay ayaa lagu sheegay in tirada dadkii ku dhintay weerarkaas ay gaareen 22 qof oo shacab ah […]

Published

on

Waxaa sii kordhaya dadkii ku dhintay weerarkii Al shabaab Taladadii la soo dhaafay ay ka fuliyeen Hotelka Dusit ee ku yaalla Degmada Westelands ee Caasimadda Dalka Kenya Magaalada Nairobi.

Hay’adda laanqeyrta Cas ee Kenya War maanta ka soo baxay ayaa lagu sheegay in tirada dadkii ku dhintay weerarkaas ay gaareen 22 qof oo shacab ah tiro intaas ka saraysana ay ku dhaawacmeen weerarka waxayna Hay’addu Warbixinteeda intaas ku daratay in nolol iyo geeri midna lahaynin dadbadan oo Hotelka lagu ogaa ka hor weerarka.

Ciidamada sirdoonka Kenya ayaa dhinacooda sheegaya in lala,yahay qaar ka mid ah dadka Kenyanka ah nolo iyo geeri meesha ay ku dambeeyeen,baadi goobna hadda loogu jiro sidii loo ogaanlahaa xaqiijinta nolol iyo geeri dadka noloshooda iyo geeridooda labaadigoobayo.

Dhinaca kale ciidamada amaanka Kenya oo gacan ka helaya Sirdoonada reer galbeedka ayaa maanta howlgal xooggan ka sameeyey Xaafadaha Magaalada Nairobi waxayna howlgalkaas la sheegay in loogu goleeyahay in la soo qabto cidii fudadaysay weerarkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee Talaadadii ka dhacay Hotelka Dusit.

Howlgalka Ciidmada ay ka sameeyeen saaka Nairobi ayaa lagu soo waramayaa in 9 qof oo lagu tuhunsanyahay in ay wax ka abaabuleen weerarkaas lagu soo qabqabtay meelo kala duwan oo Magaalada ah.

Warku wuxuu intaas Ku darayaa 9 qof ee Howlgalka Ciidamada ay ku soo qabteen in ay ku jirto mid ka mid ah raggii fuliyey weeraka Hotelka Dusit Xaaskiisa haanatana Haweenaydaas meel gaar ah lagu hayo si xooggana loo ilaalinayo meesha lagu hayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version