Wararka Soomaalida

Fahad yaasiin oo ka carooday su,aal uu weydiiyey Xildhibaan Sakariye

Ku simaha Taliyaha Hay’adda Nabad sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maanta hor tagay Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanadan waxay waydiiyeen dhowr su,aalood oo amaanka la xiriira. Fahad Yaasiin ayaa qaarna ka jawaabay qaar kalana ka cudur daartay ka dib markii la waydiiyey su,aalo uu sheegay in asaga aaney khusaynin. Ku simaha […]

Published

on

Ku simaha Taliyaha Hay’adda Nabad sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maanta hor tagay Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanadan waxay waydiiyeen dhowr su,aalood oo amaanka la xiriira.

Fahad Yaasiin ayaa qaarna ka jawaabay qaar kalana ka cudur daartay ka dib markii la waydiiyey su,aalo uu sheegay in asaga aaney khusaynin.

Ku simaha Taliyaha Ha’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si aad ah uga carooday su,aal uu waydiiyey Xildhibaan Sakariye Gaashaan taasoo ahayd in Fahad Yaasiin uu ka jawaabo Sababta shaqada looga saaray Jannaraal Cabdalla Cabdalla iyo sharciga loo cusjaday.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay su,aasha uu waydiiyey Xildhibaanka wuxuuna ujeediyey in Xildhibaanka raali gelin deg deg ah uu ka bixiyo su,aasha uu waydiiyey wuxuuna sheegay Fahad in Hay’adda NISA wixii dhaxdeeda ah aan ku haboonayn in halkan lagu weydiiyo qalad iyo sumcad dilidna u,arkayo qaabka wax loo waydiiyey.

Su’aalaha kale ee la weydiiyey Fahad Yaasiin waxaa ka mid ahaa sababta Mukhtaar Roobow ay dowladdu u xirtay, isla markaana loo soo taagi la’ yahay maxkamad haddii uu denbiile yahay iyo Ciidamo ka tirsan Hay’adda NISA oo ka cabanaya mushahar la’aan iyo cidda ay u xiran yihiin qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in NISA aysan wax lug lah ku lahayn xarigii Mukhtaar Roobow, sababta Maxkamada loo soo taagi waayeyna ay tahay arrin u taalla Hay’adaha Garsoorka oo ay tahay in la weydiiyo.

Su’aasha kale oo aheyd Mushahar la’aanta ciidamada NISA ayuu su’aal ka keenay isagoo dalbaday in la keeno qof NISA ka mida oo mushahar la’aan ka cabanaya, wuxuuna sheegay in arinta mushaharka ay jawaabteeda leedahay Wasaaradda Maaliyadda, maadaama NISA aysan aheyn heyad dhaqaale.

Mar uu ka hadlayey sababta keentay Wadooyinka xiran ee Muqdisho ayuu ku gaabsaday inay yihiin go’aan guud oo dowladu gaartay oo aan si gaara ah u khuseyn NISA, ayna tahay in la weydiiyo mas’uuliyiinta sar sare ee dalka uguna horeeyo Madaxweyne Farmaajo, halka amniga dalka uu sheegay in wax laga weydiiyo Taliyaha Booliska.

Xildhibaanada ayaa u arkay in Fahad Yaasiin uu ka weecday inuu toos uga jawaabo su’aalahoodii, kana meermeeray waana markii ugu horeysay ee Fahad Yaasiin lagu arko goob fagaare ah tan iyo markii loo magacaabay ku xigeenka agaasimaha NISA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version