Wararka Soomaalida
Fahad yaasiin oo qarsoodi ku gaaray Kismaayo
Ku sumaha Taliyaha Hey,adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ahna Taliye ku xigeenka hey,adaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la xaqiijiyey in safar qarsiidi ah shalay galab uu ku gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose. Magaalada Kismaayo waxaa seddax maalmood ka hor gaaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Golaha […]
Ku sumaha Taliyaha Hey,adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ahna Taliye ku xigeenka hey,adaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la xaqiijiyey in safar qarsiidi ah shalay galab uu ku gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.
Magaalada Kismaayo waxaa seddax maalmood ka hor gaaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay Jubbaland.
Qorshaha Fahad Yaasiin uu u gaaray kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay hal arrin oo ah qaabkii Axmed Madoobe loogu dhaadhicin lahaa in doorashada Maamulkaas ee dhici doonta bisha August ugu tanaasuli lahaa musharaxnimadiisa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu diidan yahay qorshahaas qarsoodida ah ee ay wataan Fahad Yaasiin iyo Xasan Cali Khayre.
Safarkan qarsoodida ah ee fahad Yaasiin uu ku tagay Kismaayo ayaa waxaa Wargayska Tusmotimes u xaqiijiyey Xildhibaan Cabdirashiid Macalin Axmed oo ka mid ah Baarlamanka Maamulka Jubbaland.