Wararka Soomaalida

Fanaan caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday

Maanta Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyoodey fanaan caan ah oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Maxamed Xasan Sabriye waxa uu ku magac dheeraa (Kabanle) wuxuu caan ku ahaa heeso badan oo kaban qurux badan lagu garaacay Gobolka Mudug ayuu ku noolaa inta badan Sanadihii dambe wixii ka dambeeyay burburkii. Fanaankan heesaha kabanka caanka ku ahaa ayaa […]

Published

on

Maanta Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyoodey fanaan caan ah oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Maxamed Xasan Sabriye waxa uu ku magac dheeraa (Kabanle) wuxuu caan ku ahaa heeso badan oo kaban qurux badan lagu garaacay Gobolka Mudug ayuu ku noolaa inta badan Sanadihii dambe wixii ka dambeeyay burburkii.

Fanaankan heesaha kabanka caanka ku ahaa ayaa bilooyinkanba waxaa la sheegay inuu ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho ka dib markii ehelkiisa xaalad caafimaad awgeed ukeeneen Magaalada Muqdisho.

Saaka ayaa tii rabi utimid Maxmuud Maxamed Xasan Sabriye oo loo yaqaanay Fanaan (Kabanle) ayaa ka mid ahaa bahda fanaaniinta Soomaaliyeed waayidii hore.

 

 

Marxuum Kabanle mar uu lahadlay Saxaafadda sanadkii 2012 kii wuxuu sheegay in uu fanka ka baxay kuna bedelay Cibaadada Alle.

Rabi Janadii fardowsa hageeyo Marxuum Al fanaan Maxamuud Maxamed Sabriye (Kabanle) ee maanta Muqdisho ku geeriyooday ehelkiisa iyo umada Soomaaliyeed iyo guud ahaan intii ku xirneed fankiisa Samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version