Arts & Culture

Fanaaniinta caanka ah ee Faarrow oo Minneapolis lagu soo dhaweeyay

(Minneapolis, MN – Mar. 20, 2019) – Maamulka xarunta fanka iyo muusikadda ee Cedar Cultural, qaar kamid ah abwaanada, hogaamiyeyaasha, haweenka, fanaaniinta, dhallinyarada iyo mas’uuliyiin ka tirsan bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa magaalada Minneapolis ku soo dhaweeyay fanaaniinta caanka ah ee Iman iyo Siham ee loogu magac daro Faarrow. Munsaasabad si qurxoon […]

Published

on

(Minneapolis, MN – Mar. 20, 2019) – Maamulka xarunta fanka iyo muusikadda ee Cedar Cultural, qaar kamid ah abwaanada, hogaamiyeyaasha, haweenka, fanaaniinta, dhallinyarada iyo mas’uuliyiin ka tirsan bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa magaalada Minneapolis ku soo dhaweeyay fanaaniinta caanka ah ee Iman iyo Siham ee loogu magac daro Faarrow.

Miski Cabdule oo kamid ah hogaamiyeyaasha haweenka Soomaaliyeed oo soo dhoweynaysa Iman iyo Siham (Faarrow).

Munsaasabad si qurxoon loo soo agaasimay iyo casho sharaf loogu talagalay soo dhoweynta fanaaniintan ka socda dalka Canada ayaa lagu qabtay xarunta xafladaha ee Canabey ee magaalada Minneapolis.

Kooxda la magac baxday Faarrow ayaa ka kooban laba gabdhood oo Soomaali ah, walaalo ah, aadna u da’yar. Magaca Faarrow ayaa waxaa u taagan macnaha labadda magac ee Iman iyo Siham oo marka luuqada Inglishka lagu tarjumo ah Iman “FAITH” iyo Siha moo ah “ARROW”, haddaba marka macnaha labadda eray la soo gaabiyo la iskuna daro ayaa laga keenay magaca FAARROW oo ay la baxeen Iman iyo Siham.

Abwaan, macalin Siciid Saalax oo kamid ah mas’uuliyiintii soo dhaweeyay Iman iyo Siham (Faarrow).

Fanaaniinta Faarrow oo ah kuwo dhallinyaro ah, fankoodana iyo heesahoodana aad loo jecelyahay ayaa saddex magaalo oo kamid ah gobolka Minnesota ku qaban doona bandhig faneed.

Fanaanka weyn ee Aar Maanta oo kamid ahaa martidii soo dhaweysay Faarrow.

Faarrow ayaa bandhig faneedka ugu horeeya ku qaban doona magaalada Saint Cloud, habeenka Sabtida ee ay taariikhdu tahay March 30, 2019.

Habeenka Jimcaha ah ee ay taariikhdu tahay April 5, 2019 ayeey bandhig faneed ku qaban doonaan magaalada Minneapolis.

Haddaba Faarrow ayaa bandhig faneedkooda iyo booqashadda ay ku yimaadeen dalka Mareykanka iyo Gobolka Minnesota ku soo gebagabeyn doona magaalada Mankato, habeenka Axada ee taariikhdu ay tahay April 7, 2019.

Mar ay wareysii siiyeen fanaaniinta Iman iyo Siham wargeyska Tusmo Times ayaa waxay u sheegeen, “in ay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin in ay soo booqdaan Minnesota, bulshadda Soomaalida ah eek u dhaqan oo ay fankooda u soo bandhigaan”.

Wixii akhbaar dheerad ah ee ku saabsan bandhig faneedka Faarrow waxaad booqataa bogga internet-ka ee Xarunta Fanka iyo Muusikadda ee Cedar Cultural oo iyagu keenay, martigaliyayna kooxda Faarrow: https://www.thecedar.org/ .

Sawiradda: Isma Muse

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version