Wararka Soomaalida

Farmaajo iyo Abiy oo loo diiday Hargaysa

Wararka ka imaanaya deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in dhawaan Magaalada Hargaysa ay ka degi la haayeen Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wafdi ay hogaaminayaan. Safarka Farmaajo iyo Abiy ayaa la sheegayaa inuu ku salaysnaa wada hadaladii lagu waday inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland […]

Published

on

Wararka ka imaanaya deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in dhawaan Magaalada Hargaysa ay ka degi la haayeen Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wafdi ay hogaaminayaan.

Safarka Farmaajo iyo Abiy ayaa la sheegayaa inuu ku salaysnaa wada hadaladii lagu waday inay yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi islamarkaana uu ka dhaco Magaalada Hargaysa ee Maamulka maaliland islamarkaana uu dhax dhaxaad iyo goobjoog ka ahaado Ra’iisul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

Haddaba waxaa arinkaas ku gacan seeray Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaray sidoo kale Farmaajo iyo Abiy safarkoodii Hargaysa uu sidaas ku baaqaday.

Warkan ku saabsan in Farmaajo iyo Abiy loo diiday inay ka degaan Hargaysa waxay baahisay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version