Wararka Soomaalida
Farmaajo iyo Al Siisi oo shir wada yeeshay+sawiro
Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Masar Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Cabdifataax Al Siisi ayaa ku kulmay Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar iyadoo halkaas uu ka socdo shir ay leeyihiin Madaxda Africa,Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Masar waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha dalka Masar ugu warbixiyey horumarka ka jira Soomaaliya iyo […]
Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Masar Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Cabdifataax Al Siisi ayaa ku kulmay Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar iyadoo halkaas uu ka socdo shir ay leeyihiin Madaxda Africa,Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Masar waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha dalka Masar ugu warbixiyey horumarka ka jira Soomaaliya iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya inuu yahay mid sii laba jibaaraya maadaama Cabdifataax Al siisi uu yahay Gudoomiyaha Midowga Africa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu mahadceliyey celiyey shacabka iyo Madaxda Masar dagaalka ay ka gaysteen Soomaaliya iyo garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya talaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday wuxuuna sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya ay ka gay sanaysanayaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi wuxuu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Africa.
Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Africa.