Wararka Soomaalida
Farmaajo iyo Geele oo kulmay+sawiro
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray dalka Jabuuti waxayna kulan wada yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo […]
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray dalka Jabuuti waxayna kulan wada yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.
Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).